Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo caawa Muqdisho ku geeriyooday

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka tirsanaa waxgaradka ugu caansan beelaha dega Koonfurta iyo bartamaha Somalia ayaa caawa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Marxuum Axmed Diiriye oo mudooyinkan ku xanuunsanaa Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ayaa waxaa geeridiisa saxaafada u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa.

Nabadoonka oo ku magacownaa afhayeenka beelaha Hawiye ayaa si weyn loogu xusuustaa doorkii uu ka ciyaaray dagaalkii looga soo horjeeday ciidamadii Itoobiya ee soo galay Muqdisho iyagoo taageerayey dowladii Madaxweyne marxuum C/llaahi Yuusuf dabaqayaaqadii sanadkii 2006-dii, iyadoo mar arintaas loo xiray.

Sidoo kale nabadoon Axmed Diiriye ayaa ka dhex muuqday dedaaladii nabadeed ee lagu heshiininayey qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed sanadahan dambe, iyadoo lagu wado in maalinta beri ah lagu aaso Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqor Salmaan oo isbitaal loola cararay iyo xanuunka ku dhacay oo la shaaciyay 

Cabdi Cade

Maxbuus Xabsi uu ku xirnaa si farsameesan uga baxsaday !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada Mucaaradka oo isku raacay hogaan cusub & C/raxmaan C/shakuur oo diiday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---