Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

(Sawirro) Golaha Wasiirada KG oo kulankoodii ugu horeeyey kaga hadlay qodobo xasaasi ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Mohamed Lafta–gareen ayaa maanta guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiirrada Maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay Wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo Madaxweyne Lafta gareen.

Waxaa inta badan looga hadley shirka sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen Wasiirrada cusub iyo kuwii hore iyo sidii loo dar-dar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed.

Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay  ka mid yihiin biyo yarida, amniga, Caafimaadka, Waxbasharada, Caddaaladda iyo furidda waddooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamanka Koonfur galbeed Soomaaliya Golaha Wasiirrada cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin ku eedeysan fal sumcad xumeyn ah oo Muqdisho lagu xiray

Cabdi Cade

Haweeney iska dhigtay Sargaal Booliis oo la xiray xilli ay Telefishin wareesi siineysay

Cabdi Cade

Murashaxiinta qaarkood oo Olole nuuc cusub ah ka bilaabay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---