Haweeney iska dhigtay Sargaal Booliis oo la xiray xilli ay Telefishin wareesi siineysay

Haweeney u dhalatay dalka Kenya kana mid ah siyaasiyiinta dalkaasi ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii ay iska dhigtay sargaal booliis ayna xiratay dareeska ciidanka booliiska dalkaasi.

Monica Wamaitha Gitau, ayaa kasoo muuqatay barnaamij dood ah oo ka baxayay mid kamid ah telefishinada dalka Kenya ,iyada oo xiran dareeska booliiska, waxaana haweeneydan soo xiratay dareeska booliiska oo dhameestiran.

Saraakiil katirsan booliiska dalka Kenya ayaana ka daawaday telefishinka haweeneydan xirneed dareeska booliiska,waxaana baaris degdeg ah ay sameeyeen booliiska ku ogaadeen in aysan haweeneydan katirsaneyn booliiska ayna iska xiratay dareeska.

Ciidamada booliiska ayaa si degdeg ah u gaaray xarunta telefishinka ay dooda uga qeyb galeysay haweeneydan xiratay dareeska booliiska, waxaana goobtaasi laga xiray haweeneydii iyada oo xiran dareeska.

Booliiska Kenya ayaa faray hay’adaha Warbaahinta dalkaasi in ay iska hubiyaan dadka ay wareesanayaan waxa ay yihiin kahor inta aysan wareysan, waxa ayna sheegeen in ay jiri karaan dhacdooyin nuucaan oo kale ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -