Allbanaadir.com
NEWS

Nin ku eedeysan fal sumcad xumeyn ah oo Muqdisho lagu xiray

Ciidanka booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Dharkenley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Aadan , oo lagu eedeeyay in uu ku kacay fal sumcad xumeyn ah ciidanka ah.

Ninkan booliiska xireen, ayaa baraha bulshada laga arkay isaga oo xiran dareeska ciidanka xoogga dalka, waxa uuna ninkan tagayay guryaha shacabka isaga oo dadka ku amrayay in doorashada isku diiwaangeliyaan.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dharkenley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Aadan, kaas oo ku kacay maran habaabin Bulsho iyo sumcad xumeynta Ciidanka Qalabka Sidda, kaasi oo markuu falka ku kacayay labisnaa Dariiska Ciidanka Xooga Dalka asago oon aheen xubin ka tirsan Ciidanka Xooga dalka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska gobolka Banaadir.

Booliiska gobolka Banaadir, ayaa sheegay in baaritaano dheeraad ah ku socdaan ninkan lasoo xiray, waxa ayna sheegeen in baarista kaddib loo gudbin doono eedeysanaha maxkamad kiiskiisa qaadeysa.

Related posts

Madaxweynihii Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo la bedelay

Caydiid Ali

Ilhan Omar oo Su’aalo Adag uga naxsatay Elliott Abrams (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mo Faarax oo ku farxay Go’aan cusub oo kasoo baxay dowladda Britain

Cabdi Cade
Taboola Ads ---