Daawo Sawirada Diyaaradihii ay soo rideen Milatariga Pakistan iyo Duuliye Nolosha lagu qabtay

Ciidamada cirka ee dalka Pakistan ayaa maanta soo riday labo kamid ah diyaaradaha dagaalka dalka Hindiya oo howlgal ka waday hawada dalka Pakistan gaar ahaan dhulka lagu muran sanyahay ee Kashmiir.

Mid kamid ah diyaaradaha ay soo rideen Milatariga Pakistan ayaa kusoo dhacday dhulka ay maamusho dowlada Pakistan, waxaana nolosha lagu qabtay duuliyihii waday Diyaarada kusoo dhacday dhinaca Pakistan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Milatariga Pakistan oo lagu magacaabo Sareeye gaas Asif Ghafoor  ayaa sheegay in ay soo rideen labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Hindiya, waxa uuna xusay in hal Duuliye ciidamada Milatariga nolosha ku qabteen.

Diyaaradaha dagaalka Dalka Hindiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka fuliyay gudaha dalka Pakistan gaar ahana dhinaca xadka Kashmiir, waxa ayna Hindiya sheegtay in ay beegsatay goobo ay joogeen maleeshiyaadka kooxda Jeysh Maxamed.

Dowlada Pakistan ayaa horey ugu hanjabtay in jawaan kulul ka bixin doonto duqeymaha ay diyaaradaha dalka Hindiya ka fuliyeen gudaha dalkeeda, waxa ayna Pakistan ku eedeesay Hindiya in ay wado daan daansi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -