Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Rabshado xoogan oo mar kale ka bilowday magaalada Baydhabo iyo Isgaarsiinta oo la jaray

Wararka ka imaanaya magalaada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goordhaw mar kale magaaladaasi dib uga bilowdeen banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo xariga Sheekh Mukhtaar Roobow.

Banaan baxayaasha ayaa gubaya taayaro waxa ayna ku dhawaaqayaan ereyo ay uga soo horjeedaan dowlada Federaalka, waxa ay sidoo kale dalbanayaan banaan baxayaasha in Abuu Mansuur lasoo daayo loona ogolaado in uu tartamo.

Inta badan ganacsigii ka jiray magaalada Baydhabo ayaa xirmay,. waxaana goobaha qaar lasoo sheegayaa in laga maqlayo rasaas goos goos ah oo la doonayo in lagu joojiyo banaan baxyada rabshadaha wata.

Isgaarsiinta magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale goordhaw hawada laga saaray, waxaana hada adag in si dhab ah loo ogaado waxyaabaha ka socda magaalada Baydhabo oo maalintii sadexaad ka socdaan rabshado.

Waxii Warar ah kusoo kordha rabshadaha Baydhabo kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin & Xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dilay nin dil geestay oo baxsad ahaa

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---