Ciidamada Cirka Pakistan oo soo riday labo kamid ah Diyaaradaha dagaalka Hindia

Sida ay baahinayaan Wakaalada Wararka caalamka ciidamada Cirka dalka Pakistan ayaa saakay oo arbaco ah waxa ay soo rideen labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Hindiya oo duqeyn ka waday xadka labada wadan wadaagaan gaar ahana dhanka Pakistan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Milatariga Pakistan oo lagu magacaabo Sareeye gaas Asif Ghafoor  ayaa sheegay in ay soo rideen labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Hindiya, diyaaradahan ayuuna sheegay in ay kusoo xadgudbeen hawada Pakistan .

Waxa uu sheegay Afhayeenka in mid kamid ah diyaaradahan ay kusoo dhacday Kashmiirka dhinaca Pakistan lana xiray duuliyihii diyaarada halka Diyaarada kale ku dhacday Kashmiir dhinaca Hindiya maamusho.

Diyaaradaha dagaalka Dalka Hindiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka fuliyay gudaha dalka Pakistan gaar ahana dhinaca xadka Kashmiir, waxa ayna Hindiya sheegtay in ay beegsatay goobo ay joogeen maleeshiyaadka kooxda Jeysh Maxamed.

Dowlada Pakistan ayaa horey ugu hanjabtay in jawaan kulul ka bixin doonto duqeymaha ay diyaaradaha dalka Hindiya ka fuliyeen gudaha dalkeeda, waxa ayna Pakistan ku eedeesay Hindiya in ay wado daan daansi.

Xiisada labada wadan u dhaxeysa ayaa cirka gashay kadib markii kooxda Jeysh Maxamed ee fariisinka ku leh dalka Pakistan ay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gobolka Kashmiir qeybta Hindiya ku dileen in ka badan 40-askari oo katirsan ciidanka Hindiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -