Macalimiin wax ka dhigayay Iskuulo kuyaala magaalada Wajeer oo firxad bilaabay

Macalimiin wax ka dhiga Iskuulo badan oo kuyaala gobolka Waqooyi bari dalka Kenya gaar ahaan magaalada Wajeer ayaa bilaabay in ay halkaasi isaga qaxaan, kadib cabsi xoogan oo lasoo daristay.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in magaalada Wajeer iyo deegaano ku dhaw dhaw isaga carareen macalimiin wax ka dhigayay 15-Iskuul oo halkaasi kuyaala, macalimiintan ayaa ah kuwa aan Soomaali aheyn oo gobolo kale ka yimid.

Firxadka Macalimiintan bilaabeen ayaa ka dambeysay kadib markii habeenkii Jimcaha dabley hubeesan weerar ku qaadeen Iskuul kuyaala Wajeer halkaasna ku dileen sadex qof oo la sheegay in ay kasoo jeedaan gobolo kale.

Xoghayaha Guud ee ururka macalimiinta Kenya, laanta magaalada Wajeer, Nuur Maxamed Bardad, oo Warbaahina la hadlay ayaa sheegay in maclimiintani ay nafooda u baqeen sidaasna uga carareen gobolka.

 

Waxa uu sheegay Nuur Maxamed Bardad inay sameyn doonaan tallaaba kasta oo ay macallimiinta deegaanka ugu haynayaan si aanay u kala go’in waxbarashada caruura kunool magaalada Wajeer.

Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro iyo qaraxyo Al Shabaab ku beegsadaan ciidamada Kenya iyo waliba dadka aan Muslimka aheyn ee kunool deegaanada gobolka Waqooyi bari.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -