Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dal aan Muslim aheyn oo Maalmaha labada ciidood ee Islaamka u aqoonsaday fasax Qaran

Sida uu sheegay Madaxweyne Volodymyr Zelensky dalka Ukraine ayaa labada ciidood ee Islaamka ka dhigay fasax qaran oo shaqaalaha dalka oo dhan ay ka nasanayaan howlahooda.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa hadalkan ka jeediyey xuska Maalintii Xasuuqa Qowmiyadda Tataarka Crimea oo iminka Ukraine uu xoog uga gooyey Ruushka.

Zelensky oo la kulmay dadka Tataarka ah ayaa ugu laab qaboojiyey inuu doonayo inuu qof kastaahi dareemo inuu yahay muwaaddin u dhashay Ukraine.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu u kuurgeli doono dhibaatooyinka dhaqaale, bulsho, sharci ee ay wajahayaan dadka Muslimiinta ah

Hogaamiyaha Qowmiyadda Tataarka, Mustafa Dzhemilev, ayaa u mahad celiyey Madaxwaynaha, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo in lasii wado dedaalada Crimea dib  loogu soo celinayo Ukraine.

Ruushka ayaa Jasiirad la moodka Crimea ka goosatay Ukraine sanaddii 2014-kii, kaddib markii xilka laga eryey Madaxweyne Viktor Yanukovych iyadoo uu Ruushka oo tillaabadaa u qaaday reer reer Galbeedku oo uu arkay iney meesha ka saareen  madaxwayne dhankooda u janjeerey.

Islaamka ayaa ah diinta 2-aad ee ugu ballaaran dalka Ukraine kaddib Masiixiyadda, maadaama ay dadka deggan jasiirad u ekaha Crimea ay badankoodu Muslimiin yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:-Madaxwaynihii ugu sabool sanaa Dunida uguna cadaalad wanaagsanaa wax ka baro ?

admin

Musharax Mucaarad ah oo sheegay in Gedo uusan kasoo saari doonin Ciidanka la geeyay

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay bartii Instagram ee laga jabsaday Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---