Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Sudan oo booqday Xarunta Commando Poluzio (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Sudaan S/Guud Haatim Al-Nuur  C/qaadir oo martiqaad ka helay dhigiisa dalka Soomaaliya S/guud Bashiir Maxamed Jaamac  ayaa booqday Xarunta Taliska Booliiska ee Commando Poluzio.

waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo Madaxda Hogaanadda Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Sudaan oo ay wehliyaan Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta iyo Boliiska ayaa Salaan ka qaatay Cutub ka tirsan Ciidanka Boliiska waxaana kooxda baanbeyda Muusikada u garaaceen Astaanka Muusikada labada dal, isagoo mid mid ugu soo wareegay qaybaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Sudaan S/Guud Haatim Alnuur C/qaadir ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ay u sameeyeen Ciidanka Boliiska, iyadoo ay tahay markii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -