Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Dhuusomareeb iyo askar la socotay oo la dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaw qarax miino lagu dilay taliyihii ciidamada Nabad sugida magaaladaasi iyo askar la socotay.

Qaraxan oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Ceel Dheere iyo magaalada Dhuusomareeb ayaa lagu dilay taliyihii ciidamada Nabad sugida Dhuusomareeb Cabdirashiid Cabdi Sheekh-doon Qooje Yare  iyo askar la socotay.

Sargaalkan qaraxa lagu dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidamadii Ahlu Sunna ee la qarameeyay, waxa uuna kaalin weyn ka qaatay mudooyinkii lasoo dhaafay xaqiijinta amaanka caasimada Galmudug ay shirar ku lahaayeen Madaxda DF iyo kuwa maamulada.

Duleedka magaalada Dhuusomareeb ayaa mudooyinkii dambe waxaa kasoo kordhay falal amaan daro, waxaana marar badan ka dhacay qaraxyo halka sidoo kale Al Shabaab weeraro hoobiyaal ah habeeno kahor kusoo qaadeen magaalada Dhuusomareeb.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -