(Akhriso) Maraykanka oo War ka soo saaray duqeymihii xalay ka dhacay Sh/hoose

Ciidamada Maraykanka ayaa war ka soo saaray duqeymo xalay dayuuradahoodu ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in illaa afar weerar ay xalay ka geysteen Sh/hoose.

Labo ka mid ah weerarada ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka inay ka dhaceen degaanka Kuunya Barow, mid kalena lala eegtay Awdheegle, halka weerarka 4-aadna uu ka dhacay degaanka Janaale.

War-saxaafadeedka ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka oo taageeraya kuwa Soomaalida ay baabi’iyeen baro kooxda Al-shabaab ay canshuuro ku qaadi jireen.

Laba dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayuu Maraykanku sheegay in lagu dilay duqeymahan u dambeeyey, iyagoo xusay iney sii wadayaan weerarada dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaasoo ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii loogu taageeri lahaa Ciidamada dowladda.

Warkan ayaa ku soo aadaya xili Al-shabaab ay soo bandhigtay meydadka dad shacab ah iyo dhismeyaal rayidku degenaa oo ay sheegeen iney xalay burburiyeen ciidamada Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -