Dibed-bax ka dhan ah Maamulka gobolka Hiiraan oo ka dhacay Beladweyne (Sawirro)

Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax cabasho ah oo looga soo horjeedo maamulka gobolka.

Dadka dibed-baxa dhigayey oo u badnaa Haween iyo caruur ayaa isugu soo baxay intooda badan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo Taako ee Magaalada Baladweyne, iyagoo ka cabanaya in deeqda la lunsaday.

Dadweynaha dibed-baxayey ayaa sidoo kale tegay bakhaaro ay sheegeen in lagu xareystay  raashinka deeq ah, iyagoo maamulka Hirshabelle ka codsaday inuu arrimahan soo fara geliyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo xubno kale ay musuq-maasuq kula kaceen deeq raashiin ah oo dowlada Sacuudigu geysay magaalada taasoo loogu talo galay dadka danta yar.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaan illaa hadda ka hadlin eedeymaha loo jeedinayo isaga iyo maamulkiisa ee la xiriira iney leexsadeen deeq loogu talo galay dad masaakiin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -