Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan oo Muqdisho lagu dhaawacay

Dhaqtar ka mid ah kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa dhaawacmay, ka dib markii ay rasaas fureen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dr. Cabdixaliim oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer), isla markaana qaabilsan caruurta ayaa lagu dhaawacay agagaarka Maqaayada Beder oo ku dhow Isgoyska Zoope.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhaawaca gaaray Dr. Xaliim Maxamuud uu ka dhashay rasaas ay wadadda ku furanayeen ciidamada dowladda ka dib markii ay gaadiid badan isku xireen, waxayna rasaastu ka haleeshay garabka xili uu saarnaa gaari uu watay.

Dhaqtarka ayaa la dhigay qeybta qaliinka ee isbitaalka Erdogan, lama oga in la qabtay iyo in kale ciidanka rasaasta furay, mana jiro war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay Saraakiisha laamaha amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo balan-qaad muhiim ah u sameeyey shacabka degaanka Garasbaaley (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo gudoomay dhambaal uu u soo diray dhigiisa Cabdulmajiid Tamuun (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliye Farxaan Qaroole oo loogu baaqay in uusan aqbil xilka loo magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---