Markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo kusoo xirtay dekad ku taalla Geeska Afrika

Booqasho aan caadi ahayn, markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka ayaa gaaray dekedda weyn ee badda cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.

Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov khamiistii yimid Massawa, madaxda ciidamada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Ruushka ee Eritrea.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, markabkan ayaa ka mid ah maraakiibta Ruushka ee mara badweynta Pacific-ga

“Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano oo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea” Wasiir Yemane Gebremeskel ayaa ku qoray boggiisa X (Twitter-kii hore).

Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Mareykanka ayaa la geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee ku socdaalaya dariiqa ganacsi ee muhiimka u ah weerarada Xuutiyiinta.

Eritereeya ayaa indhaheeda ku arkaysay joogitaanka ciidamada reer galbeedka ee gobolka si xamaasad leh. Dalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa dhawaan xiriir dhow la yeeshay Moscow.

Xuuthiyiinta oo maamula waqooyiga Yemen ayaa weeraro ku qaada maraakiibta mara badda cas, iyagoo ka jawaabaya dagaalka Qasa. Dagaalyahanadu waa qayb ka mid ah ‘ dhidibka iska caabinta’ ee ka dhanka ah Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -