Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso : Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Galmudug Xaaf

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu amaray joojinta iyo in la bixiyo ama la iibsado dhulalka sharci darada ah ee kuyaala magaalada Xeebta leh ee Hobyo.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku amray maamulka Degmada Hobyo in ay joojiyaan iibinta iyo bixinta dhulka Sharci darada ah , waxaana wareegtada looga digay dadka ku mashquulsan iibina dhulkaasi in waxii ka yimaada masuuliyadeeda ay qaadi doonaan.

Magaalada Hobyo gaar ahaan dhulka ku dhaw Xeebta ayaa la sheegay in dadka qaar bilaabeen in ay qaataan halka kuwa kalana ay iibsadaan, waxaana arintan sabab looga dhigay dib u dhis la filayo in lagu sameeyo Dekada Hobyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Amaro la siiyay Madaxda ka qeyb galeysa Caleemo Saarka Yoweri Museveni

Cabdi Cade

Jaamacadda Columbia oo joojisay in ardaydu ay fasalada yimaaddaan iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Cudurka Ebola oo mar kale ka dilaacay dal ka tirsan Afrika & dad u dhintay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---