Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta daah-furay shir heerkiisu sarreeyo oo lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee xulashooyinka qaab-dhismeedka dastuurka Jamhuuriyadda.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in dib uuegista dastuurku ay mareyso heer wanaagsan, isla markaana afar cutub baarlamaanku horey u ansixiyey, shan kalena hadda ay hortaalo oo la tashiyadoodu soo dhammaadeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xukuumadda ay ka go’an tahay in ay dhammeystirto cutubyada harsan
“Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an inay dhammeystirto dib u eegista dastuurka, waa mas’uuliyad ay dowladdu si sharci ah u leedahay waana ballan qaadeynaa inaan dhammeystirno cutubyada harsan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka.
Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda arrimaha Dastuurka ayaa muhiim u ah qorshaha Xukuumadda ee dib u eegista dastuurka, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bogaadiyey Wasaaradda iyo qubarada juhdiga galisay dib u eegista dastuurka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com