Madaxweyne Cagjar oo gaaray Gobolka Afdheer ka dib weerarkii Al-Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa gaaray Jiida hore ee gobolka Afdheer oo dhowaan weerar balaaran ay ku soo qaadeen xoogag taabacsan Al-shabaab oo ka gudbay xadka gobolka Bakool ee Somalia.

Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la kulmay Saraakiisha ciidanka LIyu Boolis ee degaanka Soomaalida ee la dagaalamay Al-Shabaabkii gobolkaas weeraray isagoo ka xog wareystay howlgalada socda, wuxuuna ciidanka ugu hambalyeeyey guulaha ay ka gaareen dagaalka, isagoo ku booriyey iney sii wadaan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.

“Waxaa la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta dowlad degaanka Soomaalida.

- Advertisement -