Xaaskkii Sheekh Aboud Rogo oo lagu xukumay 10-Sano oo Xabsi ah (Daawo Sawirro)

Maxkamad kutaala magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta dalka Kenya ayaa 10-sano oo xabsi ah ku riday xaaskii Sheekh Aboud Rogo Mohammed oo Sanadkii 2012kii lagu dilay Magaalada Mombasa.

Hania Sagar oo aheyd Xaaskii Sheekh Rogo ayaa lagu eedeeyay in ay taageertay koox weerar ku qaaday saldhig booliis oo kuyaala magaalada Mombasa, waxaana weerarkaasi lagu dilay sadex qof.

Qaadiga Maxkamada ayaa Sheegay in Hania Sagar gacan ku siisay raga weerarka ku qaaday saldhiga, waxaa sidoo kale la sheegay in la helay cadeemo ku aadan in lacag u dirtay kooxo Argagaxiso ah.

Maxkamada Mombasa ayaa horey u fasaxday sadex haween kale oo lala xiray haweeneydan kadib markii lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay ee ahaa in ay taageereen Argagaxiso.

Haweeneydan 10-ka sano hada lagu xukumay waxaa ka geeriyooday Sheekh Aboud Rogo Mohammed oo ahaa wadaad mayal adkaa, waxaana wadaadkan dilkiisa lagu tuhmayaa Ciidamada Kenya oo marar badan horey u xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -