Qarax dhimasho sababay oo caawa ka dhacay degmada Baraawe & Maamulka oo ka hadlay

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku naf waayey qarax xooggan oo caawa ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Qaraxan oo laga maqlay gudaha degmada Baraawe ayaa loo adeegsaday miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu qabsaday gaari Cows siday oo ku sii jeeday degaano ka tirsan degmada Baraawe sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed Jeex.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in qaraxaas ay Al-Shabaab ku aaseen meel degmada u jirta dhowr km isla markaana uu qabsaday Gaariga, waxaana uuna sheegay in laba Ruux ay ku geeriyootay halka laba qof kale uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Ciidamada dowlada ayuu sheegay iney halkaas gaareen ayna ka sameeyeen howlgal ay ku soo qabteen dad looga shakisan yahay iney qaraxaas ka dambeeyeen kuwaasoo la baarayo sida uu sheegay.

Degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda ayaa ka mid ahaa mudooyinkan goobaha nabdoon ee aan looga baran qaraxyada noocan ah, waxaana goobahaas ku sugan ciidamo xoog leh oo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -