Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al-Shabaab oo duqeysay saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen saldhigyo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Baardheere ee Gobalka Gedo sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Saldhigyada madaafiicda lagu weeraray ayaa waxay u dhow yihiin garoonka dayuuradaha degmada Baardheere.

Madaafiicda ayaa la sheegay inay ku dhaceen saldhigyada ciidamada itoobiya balse Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay madaafiicda ku tuuren saldhigyo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, ayna khasaare xoog leh gaarsiiyeen ciidamada halkaas degan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Qatar Oo Shaacisay In Ay Billaabayso Dhismaha Dekadda Hobyo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab oo u hanjabay Bankiyada dalka ka howlgala

Caydiid Ali

Qarax xoogan oo ka dhacay afaafka hore Maxkamad kutaala magaalada Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---