(Akhriso) Xog cusub iyo warbixino dheeraad ah oo laga helay dilkii Marxuum Axmed dowlo

Iyadoo weli ay jirto Hadalheyntii ku aadaneyd Gabood Falkii loo geystey Mawaadin Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax ( Axmed Dowlo) ka dib markii inta la diley lana Gubey marka waxaa la sheekeystey nin Saaxiibkey ah oo ay Deris ahaayeen Axmed Dowlo waxaa uu ii sheegey in uu ahaa nin Weyn looga yaqaaney Xaafadda welina lahaa Asxaab iyo Saaxiib badan sidoo kale Axmed wuxuu nin Deeqsi ah oo hadana Kaftan badan

“Xaafadaan ayuu ku dhashey muddo dheer baan Deris ahayn waxaa uu u dhaqdhaqaaqi jirey Caruurtiisa iyo Carurta adeerkii isaga ayaan waxay Quutaan u soo dhicin jirey marka Dhacdaan Shaqasiyan aad baan uga naxay waayo Axmed Dowlo waxan kala qayb galey Guurka Sadex Haween ah oo ka soo jeeda Beelaha Shiikhaal, Sacad oo Caruur hore ugu dhaley balse kala tageen hadda waxaa uu qabey Laba Haween mid ay tahay Gaaljecel

“Axmed Markii uu wiilka adeerka u ahaa uu gabadhaan Jeclaadey wuxuu ku doodi jirey maxaad noogu diideysaan aniga ayaa soo guursadey reero idinka Laf weyn waa sida uu ku Kaftami jirey Axmed Dowlo hase yeeshee Axmed waxaa uu ka qayb galey kulamo badan oo lagu Xalinayey Guurka Ruqiyo iyo Maxamed Cabdiramaan iyadoo inta aan la dilin uu u Gogol Fariistey Wiilka uu adeerka u yahay hase yeeshee waxaa uu Goob joog u ahaa Dhacdooyin Xiriir ah oo lagula kacay Qoyskiisa “ ayuu yiri waxaa uu sii raaciyey

“ Aabaha dhaley Gabadha iyo Odoyaal iyo ee Dhinaca kale ee Wiilka ayaa Kulan ku yeeshey Xaafadda Garasbaaley waxaana lagu Faataxeystey in Lamaabayaasha la isa siiyo maadaama ay Gabadha ku dhaaratey in hadii loo diido Jaceyleeda ay Dhimasho ka xigto ” ayuu yiri hase yeeshee Hooyada Dhashey Gabadha ayaa arrintaa ku gacansayrtey oo u Cuntami weysey, waxaana dhacay in Guriga Axmed Dowlo la soo weero Dhowr jeer, in waqti ka mid ah lagu weerarey Qarsho Gaas laga soo buuxiyey

“ Falka Axmed Dowlo marka uu dhacay waxaa dhowr maalmood Xiran Hooyada Dhashey Gabadha waxaan la waayey Cid damiinata, waxaana Maalinkii Khamiista Falka Dhacay ayaa Labada Dhinaca looga yeerey Maxkamada hase Yeeshee intii Maxkamada lagu maqnaa ayaa Koox kale Taageersan Mowqifka Hooyada waxay soo weerareen Axmed Dowlo, iyadoo inta uu socdey Weerarka Axmed Dowlo Waa iska caabiyey hase yeeshee Nabar Gaadmo ah oo lala heley ayaa sababatey in uu Dhulka ku dhaco ka dib Shiidaal lagu bilbiley oo Taraq lagu Shido” ayuu yiri Saaxiibkey oo inta raaciyey..

“Inta uu socdey Dilka ayaa waxa Dhacay in Haweeney ka mid ahayd Dadkii dilka ka qayb qaatey markey aragtey in Xaalka faraha ka baxay ayey ku Dhaqaaqdey in ay wax ka damiso Dabkii lagu shidey Axmed Dowlo , waxaa markiiba goobta yimid Ciidamo Booliska oo Xirey intii Dil Wadareedkaas ka qayb qaadatey waxaana Bulshada u sheegaya in Hooyada Gabadha Dhashey maalinka uu Dilka Dhacayey ay Xiran tahay hase yeeshe Abaabulka qayb ku la lahayd waxana Kiiska u Xiran Lix Qof oo shan ka mid ah ay ahaayen Fuliyayaashii ee Labada Dhinac ee Reerka ”

Intii Axmed Dowlo uu ku jirey Qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer ayaa Aabaha Dhaley Wiilka waxaa u la kulmey nin Turki ah oo isbitaalka ka shaqeeya waxaana looga turjumey Dhibaatada loo geystey Axmed Dowlo waxaana loo sheegey in Wiil uu adeer u ahaa oo loo diey Gabar u jeclaadey markaasuu Ninkii Turkiga ahaa waxaa uu la soo boodey “Falkaas aad baan uga Xumahay ee Maxaad nooga soo doonaeysey Gabar Turki ah anagaa ku siin lahayne “

Isku soo duubo Axmed Dowlo waxa lagula kacay Fal aad u Fool Xun waana Dhacdo ma Hadho sidaa Darteed waxaan Dhihi lahaa in Dadkii ka dambeeyey Falkaas Hayb Sooca ah in Cadaaladda la horkeeno ama diyo ay bixiyaan Beeshii dhibka Geystey si la isugu Calool Fiyoobaado islamarkaana uu u Guuleysto Guurka Ruqiya Maxamed Cabdiraxmaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -