Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askari 8 sano ka hor labo haween ah ku dilay Magaalada Muqdisho oo la qabtay

Taliska ciidanka Booliska Somalia ayaa maanta shaaciyey in la soo xiray askari ka tirsanaa ciidankaas oo 8 sano ka hor ku dilay Muqdisho labo haween siday uur.

Dable Abshir C/llaahi Basey ayaa bishii Maarso ee sanadkii 2012 ku dilay Suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho Dabaho Calasow oo ka mid aheyd ganacsatada rootiga iiibiya iyo Nimco Xasan Cali oo wax ka iibsaneysay.

Goob joogayaal xiligaas ku sugnaa goobta ayaa sheegay in askariga uu kun shilin oo ka dhinaa 3 kun oo uu weydiistay marxuumada rootiga iibin jirtay darteed uu u dilay hooyooyinkan oo labada uur lahaa.

“Dabagal iyo baaritaan ay sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayey ugu dambeyn ku soo qabteen askariga 8-da sano ka hor geystay dilka labada haween ka dib dacwad ay u soo gudbiyeen ehelada labada marxuum” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa uu intaas ku daray in askarigan ay haatan ku socoto baaris, lana horgeyn doono Maxkamada ku shaqada leh dhowaan si cadaalada uu u wajaho, waxaana talaabadan si weyn u soo dhoweeyey ehelada labada marxuum oo muddo dheer sugayey iney cadaalad helaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Danjire Cali Cagabaruur (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo Weji Cusub yeeshay !!

Cabdi Cade

(Daawo) Xassan Shiikh oo fariin ku aadan Munaasabada Ciida u diray shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---