Musharax  Nuur Ismaaciil oo dad dan yar ah Deeq Lacageed gaarsiiyay (Daawo Muuqaal)

Siyaasiga Nuur Ismaaciil Sheekh oo ah musharax u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobalka Benaadir ayaa maanta deeq lacageed gaarsiiyay dadka danyarta ee ku dhaqan Degmada Boondheere ee Gobalka Bedanaadir.

Nuur Ismaaciil sheekh oo mid mid u guddoonsiiyay lacago dad ka badan 300 oo qoysas danyara oo isugu jiro waayelo haween Caruur ,iyo naafo wuxuuna kala sheekaystay qaar ka mida dadkaasi baahiyaha aay qabaan xiligaan.

Musharaxa ayaa shacabka reer Boondheere u balan qaaday inuu dayactir iyo hormarin uu ku samayn doono dhinacyada arimaha bulshada gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada Bilicda degmada.

Dhanka kale shacabka Degmada Boondheere ayaa u duceeyay Musharaxa iyaga oo Gudoomiyaha iyo madaxda sare ee dalka ugu baaqay in aay xilkaasi u dhiiban Nuur Ismaaciil maadama u yahay shaqsi Bulshadda ka warqaba.

Waa musharixii ugu horeeyay ee booqda xarumaha bulshada Danta yar ee Degmada Boondhoore , waxaana tani ay noqonaysaa mid ka mida tallaabooyinka wanaagsan ee lagu hanan karo rabitaanka shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -