Allbanaadir.com
NEWS

Nin ganacsade ah oo laga afduubtay Muqdisho kaddibna lagu dilay iyo baaritaanno socda

Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafad katirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir kasoo afduubay wiil dhallinyaro ah oo aad looga yaqaanay degmadaasi, waxaana wiilkaasi markii dambe lagu dilay xaafada Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Ninkan lasoo afduubtay oo ahaa nin dhallinyaro ganacsade ahaa ayaa lagu magacaabayay Abuukar Axmed Kaabax , waxaana la sheegay in ay afduubteen afar nin hubeysan oo horey usii watay  gaari uu lahaa marxuumka oo nuuciisa lagu sheegay Surf.

Dadka deegaanka Garasbaaley ayaa sheegay in xalay abaaro saddexdii habeennimo ee saqdii dhaxe ay maqleen rasaasta wiilkan lagu dilay, waxa ayna sheegeen in saakay aroortii meydka wiilkan ku arkeyn meel geedo badan oo lagu dhax tuuray.

Ciidamada booliiska oo lagu war-galiyay falkan dilka ah ayaa meydka marxuumka ka qaaday goobtii lagu dilay, waxa ayna geeyeen xarunta dambi baarista CID-da halkaas oo booliiska bilaabeen baaritaanno.

Ehelada wiilkan ganacsadaha ah ee la dilay ayaa sheegay in uu ahaa nin caadi ah oon wax siyaasad ah ku lug laheyn, waxa ayna xuseen in aysan garaneyn ilaa hadda sababta loo dilay , iyagoona laamaha amniga ka codsaday in baaraan kiiskan soona qabtaan dambiilayaasha.

Magaalada Muqdisho dilkan iyo afduubka ka dhacay ayaa dadka ku dhaqan cabsi horleh ku beeray, waxaana magaalada Muqdisho muddooyinkan dambe aan looga baran in qof la afduubto kaddibna meel fog oo deegaankiisa aheyn lagu dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo dib u dhis ku bilowday laami halbowle ah oo daadadku burburiyeen (Sawirro)

Caydiid Ali

Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeymo culus oo kaga yimid Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Rag kufsi iyo dil isugu daray gabar 16 jir aheyd oo gacanta lagu soo dhigay

Caydiid Ali