Weriye caan ka ah wadanka Kenya oo shaaciyey inuu iibinayo mid ka mid ah labadiisa Kiliyood

Weriye Swaleh Mdoe oo warka Afka Sawaaxiliga uga akhriya Tv-ga Citizen ee Magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu iibinayo mid ka mid ah keliyihiisa.

Sababta ku kaliftay inuu kellidiisa beeciyo ayuu sheegay iney tahay daruuf dhaqaale, isagoo sheegay inuu xitaa diyaar u yahay inuu ku soo bandhigo jaraa’idka xayeysiis ahaan.

“Saaka markii aan soo toosay waxaan ka war helay telefoonkeyga oo wicitaan laga joojin waayey, dadkaasi waxay i waydiinayeen waxa igu dhacay iyo waxa ka jira warkaas, laakiin ma jirin hal qof oo hal shillin iigu yaboohay” ayuu yiri Swaleh oo la hadlay warbaahinta Kenya.

Wuxuu sheegay inaanu dooneyn inuu qof dhibo, isla markaana uu diyaar u yahay inuu iibiyo kellidiisa taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid sharci ah oo uu xaq u leeyahay.

Arintan ayaa la yaab iyo ku noqotay dad badan oo Kenyan ah, iyagoo isweydiinaya duruufta gaarsiisay weriyahan heer uu kelidiisa beeciyo, waxaana xusid mudan in Kenya ay safka hore kaga jirto dalalka saboolnimadu ku badan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -