Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha dalka oo war ka soo saaray xuska Maalinta 20-ka Disembar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Xuska Sannad Guurada 79-Aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo Calanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta Alshabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka sida uu yiri

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abuu Cubeyda oo ka soo muuqday shir xasaasi ah oo u soo xirmay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dhimashada shilkii tareen ee ugu xumaa Qarnigan oo sii kordheysa

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Xamse oo furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---