Deni oo Eedeyn u jeediyay Madaxweyne Farmaajo kadib Doorashadii ka dhacday Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa markii ay soo dhamaadeen doorasho ka dhacday Sadex degmo oo katirsan Puntland ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo dib u dhaca doorashada iyo khilaafka ka dhashay.

Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan marnaba dooneyn in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna xusay Deni in la qaban karay doorasho qof iyo cod ah hadii laga shaqeyn lahaa.

Madaxweynaha Puntland ayaana ka carooday in Madaxweyne Farmaajo uusan si deg deg ah uga hadlin doorashada ka dhacday Degmooyin katirsan Puntland uguna hambalyeen sida maamulkaasi u hirgaliyeen doorasho qof iyo cod ah.

“Farmaajo iyo Villa Soomaaliya kama hadlin doorashada caalamka oo dhan laga soo dhaweeyay horena waxa ay Villa Soomaaliya u soo saari jirtey qoraalo badan taasna waxa ay cadeyn u tahay in Farmaajo uusan dooneyn doorasho qof iyo cod ah iyo weliba dowlad federal ah.”ayuu yiri Saciid Deni .

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan markii uu jeediyay kadib Madaxweyne Farmaajo qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay maamulka Puntland doorashada ay qabteen, waxa uuna xiriir la sameeyay Hogaanka Xisbiyada guusha ka gaaray doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -