Maxkamad amar cusub ka soo saartay Soomaali laga soo masaafurin rabay USA

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada dalka Maraykanka ayaa la soo sheegayaa in loo geystey jirdil iyo dhibaatooyin kale.

Nin lagu magacaabo Maxamed BBC oo u ololeeya xuquuqda Soomaalida ayaa ka waramay dhalinyaradan oo si sharci darro ku galay Maraykanka, marna la damcay in lagu celiyo Soomaaliya.

“Soomaalida waxay ku xirnaayeen labo xabsi oo ku yaalla Florida, mid ka mid ah oo lagu magacaabo Galdeys ayaa waxaa ka dhacay tacadiyo, dhalinyaradan waxay ka cabanayeen nadaafad daro, kadibna waxaa lagu buufiyay sunta indhaha, dhaawacyo badan ayaa loo geystay, markii ay arrintaasi dhacday garyaqaanadii ayaa gaaray maalintii sabtida, kadib saacado badan ayaa lagu celiyay irida si dhaawacyada looga qariyo” ayuu yiri Maxamed.

Dhalinyaradan oo qaarkood lugaha ka jabeen, qaarkoodna ay soo gaareen dhaawacyo , sida uu sheegay Maxamed BBC ayaa waxaa la geeyay isbitaal, halkaas oo lagu dabiibay.

Garyaqaano u doodaya dadkan ayaa dacwad geeyay maxkamad, taasoo soo saartay amar afar qodob ka kooban

“Afarta qodob ee uu soo saaray xaakimka, kan koowaad waa in laga soo raro xabsigaas, lana galiyo mid laanta socdaalka ah, tan labaad waa in dacwadan loo gudbiyo Wasaaradda caddaalada oo ay soo diraan guddi baaris ah, waxa kale oo uu amray xaakimka in dhaawacyada ay qabaan loo keeno warbixintooda oo daabacan, ugu dambeyntiina wuxuu amray in aanan dhalinyaradan lagu celin karin Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed.

Soomaali badan ayaa lagu celiyay Soomaaliya, Tan iyo intii uu Aqalka Cad fariistay madaxweyne Trump, arrintaasoo ah xaajo ugub ah oo aan horay uga dhicin Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -