Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqoon kororsi loo qabtay Macalimiinta iyo Shaqaalaha Jaamacada UNISO (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 20/02/2019 lagu soo gaba gabeeyay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) Aqoon kororsi ciwaankiisu yahay TAYEENTA WAXBARASHADA & SARE U QAADIDDA CILMI BAARISTA. Aqoon kororsigaan oo soo socday muddo 4 maalood ah ayaa ujeedadiisu ahayd in kor loo qaado xirfadda macalimiinta & shaqaalaha kale ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO).

Madaxa xafiiska taya sugidda Jaamacadda Soomaaliya Dr. Xasan Maxamed Sayid ayaa Sheegay in aqoon kororsiyada nuucaan oo kale ah in ay qeyb ka tahay howlaha xafiiska, isla markaasna xafiisku u taganyahay hormarinta shaqaalaha si loo helo qalin jabiyeyaal tayo leh lana jaanqaadi kara xirfadaha loo baahanyahay qarniga 21-aad, sidoo kale waxa uu ku daray in uu xafiisku qorsheynaayo aqoon kororsiyo nuucaan oo kale ah inta lagu guda jiro Sanad Dugsiyeedkaan.

Xiritaanka Munaasabaddaan oo ay ka soo qeyb galeen madaxda sare ee Jaamacadda ayaa waxaa gabagabadii ka hadlay gudoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda Soomaaliya Dr. Maxamed Ahmed Macalin waxa uuna bogaadiyay howsha qiimaha badan ee uu soo qabanqaabiyay xafiiska taya sugidda Jaamacadda, waxa uu intaas ku daray in uu xafiiska ku taageeridoono sidii uu u sugi lahaa guud ahaan tayada waxbarashada Jaamacadda.

Related posts

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xukuntay rag iyo haween ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ugu dhintay Caronavirus

Cabdi Cade

Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Marxuum Cali Mahdi oo la Magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---