(Sawirro) Wasiiradii federaalka ee gaaray Boosaaso oo ka warbixiyey kulankii ay la qaateen Deni

Wafdigii uu hoggaaminaayay Wasiirka arimaha dibadda xukuumadda Somalia Axmed Ciise Cawad ee gaaray Boosaaso ayaa dib ugu soo laabtay galabta Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyey kulamadii ay la soo qaateen Madaxweyne Deni.

Waxaa ka mid ahaa wafdigan Wasiirka Qorsheynta Jamaal Max’ed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Xubnahan oo dhamaantood Puntland ku metela xukuumada Somalia ayaa Madaxweyne Farmaajo u wakiishay inay dhameeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamul goboleedka Puntland.

Wasiir Cawad ayaa sheegay inay Boosaaso kulan qaatay 8 saacadood kula yeesheen Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo xubno kale, ayna kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Inkasta oo uusan shaacin wasiirku qodobo ay ku heshiiyeen labada dhinac haddana waxaa uu carabka ku dhuftay iney Madaxweyne Deni ay isku afgarteen in la xaliyo khilaafka jira uuna aad u soo dhoweeyey arintaas.

Waxa uu xusay wasiir Cawad in Madaxweyne Deni ay isla soo hadal qaadeen arrimaha Maamulka Jubbaland oo isna khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe, ayna arintaas aad ugu kala duwanaayeen siyaasad ahaan.

Waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay weli mowqifkeedii ka taagan tahay siyaasadeeda ku aadan Jubbaland aysana marnaba aqoonsan doonin doorashadii ka dhacday Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -