Madaxweyne Caan ah oo ugu baaqay raga dalkiisa in ay guursadaan Xaasas badan

Madaxweynaha Dalka Tanzania John Magufuli oo dad badan kula hadlayay goob fagaare ah ayaa ugu baaqay raga u dhashay Tanzaaniya in ay guursadaan wax ka badan xal xaas.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in dalkooda kusoo badatay mushkilada haweenka iyaga oon la guursan uurka qaada, waxa uuna ugu baaqay raga si mushkiladaasi loo xaliyo in ay guursadaan hal xaas  ka badan.

” Waxaan ku talin lahaa raga in ay guursadaan wax ka badan hal xaas si looga hortago in haweenka iyaga oon la guursan uur banaanka ku qaadaan, waxaa sidoo kale nagu batay haweenka la seexanaya rag xaasas leh” Ayuu yiri Madaxweynaha Tanzaaniya.

Madaxweynaha  ayaa sheegay in Ragga Tanzaaniya ay tiro ahaan ka yaryihiin Haweenka iyada oo 40Milyan oo Haween ah ay ku noolyihiin dalkaasi marka loo bar bar dhigo Ragga dalkaas oo gaaraya 30 Milyan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne John Magufuli in uusan raga ku qasbeyn in ay guursadaan xaasas badan balse uu kula talinayo in ay guursadaan xaasas badan si xal looga gaaro mushkilada haweenka banaanka uurka ku qaada iyo kuwa rag la’aanta heesato.

Dalka Tanzaaniya ayaa waxaa kusoo batay gabdhaha iyaga oon guursan uurka qaada, waxa uuna Madaxweynaha dalkaasi mar sii horeesay ku dhawaaqay in gabdhaha Iskuulka dhigta hadii ay Uur qaadan waxbarashada laga reebayo taa uu kala kulmay dhaleeceyn xoogan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -