Sidee ayay diyaarada Turkiga ku heshay burburka diyaaradii helicopter-ka ee Ibrahim Raisi?

Kaddib markii ay soo baxday warka ku saabsan in diyaarad uu la socday madaxwaynihii Iran Ibrahim Raisi ay dhacday habeenkii Axada, waxaa bilaabmay baadigoobka sidii loo soo heli lahaa burburka diyaaradaasi .

Waxay qaadatay muddo saacado ah in kaymaha iyo buuraha laga baadigoobo diyaaradda, waxaana ka qeyb qaatay dhinacyo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, ceeryaamo badan iyo roobka da’ay awgeed, kooxaha gurmadka ayaa la kulmay dhibaatooyin badan.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Iran, shilkan ayaa ka dhacay maalintii Axadda gobolka Jalfa ee bariga Azerbaijan, markaas oo madaxweyne Raisi uu ku soo laabtay Tabriz, ka dib markii uu furay biyo-xireenka u dhexeeya Asarbayjaan iyo Iran. Madaxweynaha Iran, waxaa diyaaradda ku weheliyay wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Baadigoobka aya waxaa ka qeyb qaatay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen midowga Yurub iyo dalal kale.

Wadamada gacanta ka geystay baadigoobka ayaa waxaa ka mid ahaa dalka Turkiga oo halkasi u diray diyaarad ah nooca Droniska.

Goor dambe oo habeenimadii Axadda ah, ayaa xarunta bisha cas waxa ay ku dhawaaqday in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay ogaadeen laba ‘goob oo burburka diyaaradasi uu ka muuqdo’. Taliyaha ciidamada Kacaanka ayaa isna arrintan xaqiijiyay.

Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee uu Turkigu soo diray ayaa baadi goobaysay goobtii ay ku dhacday diyaaradii helicobterka ee Ibraahim Raisi. Ka dib markii ay ogaatay goobta burburka ayaa waxay diyaaradu qaaday sawiro’ waxaana macluumaadka goobta lala wadaagay dowladda Iran.

Diyaarada Baraktar Akcensi ee Turkiga laga farsameeyay ayay ahayd diyaaradda ogaatay burburka diyaaradii helicopter-ka ee Ibrahim Raisi ee waqooyiga galbeed ee Iran subaxnimadii isniinta kadib saacado badan oo baadi goob ah. Waa diyaarad awood u leh inay ku duusho joog dhan 40,000 oo fiit.

Xalay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in iyadoo laga duulayo codsi ka yimid mas’uuliyiinta Iran oo soo mariyay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, diyaarad nooca UAV ah oo nooca loo yaqaano Acancy UAV iyo Cougar helicopter-loo diray halkaasi si ay uga qayb qaadato baadigoobka diyaaradda helicopter-ka ah ee madaxweynaha Iran.

Hadabada maxay yihiin diyaaradahan casriga ah ee Baraktar ee u adeegsaday in si fudud u helaan burburka diyaaraddii saacadaha la raadinayay.

Baraktar Akansi waa diyaaradii ugu dambeysay ee hubaysan oo ay samaysay shirkadda difaaca Turkiga ee Biker Defense.

Shirkadda Biker, oo ah midda farsameysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baraktar, ayaa waxaa madax u ah laba nin oo walaalo ah – madaxa fulinta Haluk Baraktar iyo walaalkiis Selkok, oo ah madaxa tignoolajiyada, kaas oo qaba gabadha Madaxweyne Erdogan.

Berakter Akonsi waa shirkad ku qalabaysan qalab casri ah oo awood u leh in uu farsameeyo diyaarado ay ku rakiban yihiin qalab kala duwan.

Diyaaradahn waxay ay awooddaa inay qaado culeys dhan ilaa 6,000 kg waxayna duuli kartaa 24 saacadood iyada oo ku duuleysa joog dhan 40,000 fiit.

Horay waxay shirkadda u sameysay diyaaradaha Bayraktar TB2 oo loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada.

Diyaaradan ayaa waxa ay leedahay labo matoor iyo baalal gaaraya ilaa 20 mitir,taasi oo siinaysa awood iyo in ay u dulqaadato cimilada kala duwan .

Diyaaradan aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale loo adeegsan karaa weerarada cirka, dhulka iyo kuwa hawada sare.

Diyaaradan oo ah nooca casriga ah ee aan duuliyaha wadin ayaa loogu talagalay in lagu taageero diyaaradaha dagaalka iyo in ay qabato howlgalo kala duwan.

Waa diyaarad aan duuliye lahayn oo ku qalabaysan nidaamka isgaarsiinta ee dayax-gacmeedka, raadaaro casri ah iyo nidaamka elektarooniga ah.

Sida laga soo xigtay shirkadda samaysay, diyaaraddan aan duuliyaha lahayn waxay sameyn kartaa wax kasta oo ay sameyn karto diyaarad dagaal.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baraktar Action ayaa calaamad u ah horumar weyn oo laga gaaray awoodaha tignoolajiyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -