Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Wasaarada Amniga oo Faah faahin ka bixisay

Wasaarada Amniga Gudaha ayaa faah faahin ka bixisay Qarax Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo caawa ka dhacay Agaagarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino, waxa uuna ku qarxay dhalinyaro la sheegay in ay ahaayeen darbi jiif kuwaa oo ku ciyaarayay waxyaabahaasi qarxa, waxaana ku dhintay hal ruux halka sadex kalana ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdicasiis Xildhibaan ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxan khasaaro geestay uu ka dhacay meel ku dhaw Isgooska KM-4, waxa uuna sheegay in laamaha amaanka baarayaan waxa uu ahaa qaraxaasi iyo halka laga keenay.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in loo gurmaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi lana geeyay xarumaha caafimaadka, waxa uuna intaa ku daray in xogta qaraxan dib kasoo sheegi doonaan marka uu baaritaanku dhamaado.

Qaraxan ka dhacay Agagaarka Isgooska KM-4 ayaa loo badinayaa in uu ahaa miino, waxaana dhalinyarada uu ku qarxay oo aheyd darbi jiif loo maleenayaa in aysan aqoon u laheyn sidaana ugu ciyaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -