Muxuu salka ku hayaa go’aanka qalafsan ee Kenya ka qaadatay xiriirka Somalia?

Dowladda Kenya ayaa caawa shaacisay go’aan aad loola yaabay oo ay xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay dowlada federaalka Somalia, waxayna u yeeratay safiirkii ka fadhiyey Muqdisho, iyadoo dhinaca kale amar ku siisay safiirkii Somalia inuu dalkeeda ka baxo.

Go’aanka Kenya ayaa noqday mid lama filaan ah oo ku soo beegmay xilli xiriirka labada dal uu marayey heerkii ugu fiicnaa.

Marka la eego qoraalka Dowladda Kenya iyo sida uu u hadlay Xoghaya Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi Macharia Kamau waxaa su’aalo badan ka dhalanaya ujeedka Kenya arrintan ka leedahay, waxaana muhiim ah in madaxda Soomaaliya ay si weyn uga fiirsadaan arrintan inta aysan jawaab ka bixin.

Dadka falanqeeya arrimaha geeska Afrika ayaa sheegaya in Kenya ay ku deg-degtay talaabada ay qaaday, iyadoo labada dal ay ka dhexeeyaan dano badan oo siyaasadeed, milateri iyo kuwo dhaqaale. iyagoo xusay in go’aankan ay ka muuqato quursi, kibir iyo islaweyni aan la mahdin doonin, maadaama ay jireen talaabooyin kale oo ay ku xalin kartay haddii ay wax tabanayaan.

Ilo diblomaasiyadeed oo ka tirsan dowlada Somalia ayaa u sheegay allbanaadir.com in arintan ay qeyb ka tahay talaabooyin isxigay oo Kenya ay ugu cadaadineyso dowlada Somalia sidii ay uga laaban laheyd dacwada xadka badda ee kala dhexeysa Somalia.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka codsaday raisul Wasaare Khayre oo dhowaan booqasho ku tegay dalkaasi in Somalia ay ka laabato dacwada badda, taas bedelkeedna ay labada dal arrintaas ku dhameeyaan wadahadal, balse Khayre ayaa u sheegay madaxda Kenya in arintan aysan suuragal aheyn.

Dowlada Kenya oo wadooyin kala duwan isticmnaaleysa ayaa muddo dheer dedaal ugu jirtay in dowlada Somalia ay ku qanciso iney laabato dacwada badda ee taalla Maxkamada caddaalada ee Hegue, balse uma suuragarelin.

Kenya ayaa bil walba malaayiin dollar ka hesha qaadka ay maalin walba u soo dhoofiso Somalia, taas bedelkeedna Somalia ma dhoofiso wax u dhigma oo dhaqaale intaas le’eg ay ka hesho, waxaana suuragal ah in dowlada Somalia oo ka jawaabeysa talaabada Kenya ay joojiso qaadka iyo duulimaadyada labada dal u kala goosha.

Sidoo kale, Ciidamada Kenyan oo fara badan ayaa jooga Somalia kuwasoo bil walba malaayiin dollar oo mushahar ah ka qaata Qaramada Midoobay, mana cadda qaabka ay Somalia ku sii joogi doonaan dalka haddii Kenya ay jartay xiriirka Somalia.

Madaxda ugu sareysa dowlada Somalia sida Madaxweynaha, guddoomiyaha Baarlamanka iyo raisul wasaaraha ayaa caawa kulan deg deg ah ka leh jawaabtii laga bixin lahaa talaabada ay ku dhaqaaqday Kenya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladu soo saarto war arintan ku saabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -