Allbanaadir.com
NEWS

Ayatullahi Khumeyni oo ka hadlay Dilka Sinwar iyo wax ka dhalan kara

Hogaamiyaha ugu sareeya Kacaan Iran Ayatullaahi Cali Khumeyni, ayaa sheegay in dhimashada hogaamiyaha ururka Xamaas Yahye Sinwar aysan hakin doonin dagaalka iska caabinta ah ay kooxda kula jirto gumeestaha Israa’iil.

Waxa uu sheegay hoggaamiyaha Iran in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas aysan waxba ka beddeli doonin dagaalka ka dhanka ah Israa’iil, waxa uuna socdaan in Xamaas ay sii wadi doonaan dagaalka jihaadka ee ka dhanka ajh Israa’iil.

“Shaki la’aan dhimashada hoggaamiyaha waxay xanuun ku tahay dhidibka kooxda caabinta, laakiin dagaalka  kama joojin doonaan inay sii socdaan shahiidnimada shakhsiyaadka caanka ah,” ayuu Khamenei ku yiri hadal uu soo saaray. “Xamas way nooshahay wayna sii noolaan doontaa.”

Waxa kale uu sheegay in dilka hoggaamiye uusan joojin dagaalka ayna sii wadi doonaan kooxda Xamaas iska caabinta ay kala horjeedaan Israa’iil, isaga oona boggaadiyay in kooxda u aargudi doonto hoggaamiyahoodii laga dilay.

Maalintii Khamiista, Israa’iil waxay sheegtay inay dishay Yaxye Sinwar hogaamiyihii ururka Xamaas , oo ay ku eedaysay inuu amray weerarkii 7-dii October lagu qaaday Israa’iil, kaa oo lagu dilay kumanaan Israa’iiliyiin ah laguna afduubtay boqolaal qof oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in kansar laga qaado Biyaha caagadaha laga cabbo? (Cilmi baaris)

Caydiid Ali

Magaca & sawirka askarigii Maraykanka looga dilay Kenya oo la shaaciyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaaf soo kala dhax galay Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---