Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda Dahabshiil haaf Milyan dollar ku wareejisay guddiga Gurmadka Qaran (Sawirro)

Shirkadda Dahabshil Group ayaa Ku Wareejisay Gudiga Gurmad Qaran ee XFS Deeq Lacageed oo Gaareeysa $500,000 ,Taasoo Shirkadda horay ay U yaboohday Looguna Talagalay dadkii ku Wax-yeeloobay Qaraxyadii Zobe 2 & Kuwii Ku hanti -beeley Musiibadii Ka dhacday Isgoyska Zobe ee Muqdisho.

Maamulaha Dahabshil Group koonfurta & bartamaha Soomaaliya Mudane Cumar Xasan Yoolac ayaa Ku Wareejiyay Deeqda Dahabshil Group ay bixisay Gudoomiyaha Gurmad Qaran ahna Wasiirka Caaifmaadka XFS Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, Isagoo ka dhawaajiyay in Dahabshil Mar-walba ka qeyb-qaadato Kaalmeynta bulshada Soonaaliyeed, waxa uuna tusaale u soo qaatay abaarihii & Fatahaadihii Ka dhacay dalka oo Shirkaddu Mar- waliba Ku bixin jirtay Musaacadooyin La taaban Karo

Sidoo Kale Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka Sare ee Shirkadda Dahabshil Group Mudane C/raxmaan Cali Xaaji ayaa Ka Tacsiyadeeyay dadkii Ku Waxyooloobay Qaraxyadii Zobe 2 isagoo u balan -qaaday Qof Waliba oo Ka qeyb-qaadanaya Gurmad -Qaran in Akoonada Xawaalada Dahabshil & Dahabshil bank Si lacag la aan ah ugu soo diri karaan wixii dhaqaale ah ay ku taageerayaan dadkii Ku waxyeeloobay Musiibadii Zobe (2)

Dhinaca hey’ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Waxaa u hadlay Gudoomiyaha hey’ada Mudane: Maxamuud Macalin ayaa bogaadiyay kaalinta Lama ilaabaanka ah ay Dahabshil Group ka geysatay Ololaha Gurmad -Qaran Musiibadii Zobe 2 dadkii Ku Waxyeeloobay & Kuwa Ku hanti beelay.

Ugu dambeyntii Waxaa Munaasabada Ka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS oo bogaadiyay Dahabshil Group Isagoo Tibaaxay in Lacagtii ugu badneyd abid ay Shirkad ganacsi bixiso Ku Taageertay Ololaha Gurmad Qaran Waxaa intaas dheer in Mar- Wabo oo dalka Musiibo ka dhacdo Shirkadda Dahabshil Group ka soo dhalaasho Mas’ uuliyada ka Saaran bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ‘ ahaatee Dahabshil Group ayaa ayaa Ka qeyb-qaadata Caawibta Bulshada Soomaaliyeed Mar Walbo oo dalka ka dhacdo Musiibooyinka dabiiciga ah & Kuwa aan dabiiciga aheyn intaba.

Related posts

Mareykanka oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Duqeyn ay shalay ka geesteen Puntland

Cabdi Cade

Qarax la doonayay in lagu weeraro guri kuyaalla Muqdisho oo la fashiliyay

Cabdi Cade

Dhimashada dhulgariirkii Turkiga oo tiro beeshay iyo caalamka oo gurmanaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---