Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiid Qaraxo waday oo kusoo wajahnaa Muqdisho oo la bur buriyay

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamo Marekan ah ayaa shalay howlgalo ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana deegaanadaasi gacana ku hayay dagaalahanada Al Shabaab.

Deegaanada ay Ciidamada dowlada howlgalka kula wareegeen waxaa kamid ahaa Deegaanka Mubaarak iyo Deegaanka Owdheegle, waxa ayna halkaasi ciidamada ku bur buriyeen xarumo iyo agab ay Al Shabaab lahaayeen.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidankooda gacanta ku dhigeen labo gaari oo qaraxyo ku rarnaayeen kuwaa uu sheegay in loo soo waday Muqdisho.

Generaal Caanood ayaa xusay in Ciidamada Kumaandooska bur buriyeen gaadiidka ay qaraxyada ku rarnaayeen, waxa uu sidoo kale sheegewen in ciidamada bur buriyeen Idaacad Al Shabaab ku lahaayeen deeegaanka Mubaarak.

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamo Cadaan ah ayaa shalay howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaano ay maamulana Al Shabaab oo kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in howlgalka sii socon doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo qaaday talaabadii 1aad ee lagu soo afjarayo khilaafkii DF & Jubbaland ee Gedo

Caydiid Ali

Xulalka France iyo Croatia yaa ku guuleesan doona Koobka Aduunka ?

Cabdi Cade

Ciyaaryahan 75-sano jir ah oo koox kubada cagta ah si rasmi ah ugu biiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---