Xulalka France iyo Croatia yaa ku guuleesan doona Koobka Aduunka ?

Dhacdada ugu weyn kubadda cagta oo ah ciyaar dhamaadka koobka aduunka uu agaasimo xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta ee FIFA, ayaa waxa isaga hor imaanaya xulalka France & Croatia.

Waa tartan xilliyeed afartii sanaba mar la qabto tan iyo 1930-kii, keliya marka laga reebo sanadihii 1942, 1946, oo dagaalkii labaad ee dunida awgiis aan loo qaban.

Xulka Jarmalka ayaa ah geesiga tartankan ka hor 8 fiidnimo ee caawa oo ay kala cadaan doonto cidda kala wareegeysa kursi sharafeedkaas sanadan 2018.

Caadiyan ciyaartu waa 90 daqiiqo oo loo kala jaray min 45 daqiiqo, waxaana u dhaxeeya 15 daqiiqo oo nasiinno ah, tiiyoo dhici karto in ciyaarta leysku mari waayo xattaa daqiiqadaha beer darrada ah, markaas oo loo baahdo waqti dheeraad ah oo isna haddii leysku mari waayo sheekadu ku soo biyo shubato gool ku laad.

Hase ahaatee mar ayay dhacday in aysan ciyaarta kama danbeysta ahi sidaas noqon waana sanaddii 1950, xiliigaas tartanka waxa isugu soo haray 4 xul oo kolkii danbe Uruguay loo gartay iney hanato madaama ay dhibcaha ugu badan ay uruursatay.
20-kii tartan ee la qabtay taariikhda koobka aduunka sanadan ka hor waxaa ka qeyb galay 76 dawlad, waxa guula ka xaqiijiyay 8 dal keliya, waxaana hogaaminaya Xulka Brazil oo hantay 5 ka mid ah, halka xulalka Italy iyo Germany iyana min 4 ayay kala xigsadeen.

Italy ayay iyana micno kale uga dhigantahay iney keli ku tahay laba jeer oo xiriir ah in la qaado dhacdo kubadeedkaa aduunka waana sanadihii 1934—1938 ka hor inta aysan Brazil sidaas oo kale sameyn bartamihii qarnigii tagay; jeer Hollanna ay 3 jeer keli ku tahay imaanshiyaha ciyaar dhamaadka wallaw aysan weli qaadin koobkaan.

Aan xoogaa yare jaleecno geesiyada sidan oo kale isugu yimid ciyaar dhamaadka koobka aduunka tan iyo billawgii qabsoomiddiisa.

1930-kii, waxaa heerkaan isla yimid xulalka Uruguay iyo Argentina, 4—2 waxa ay guusha ku raacday Uruguay oo dalkeeda lagu marti geliyay.
1934-kii, waxaa Finalka isla tiigsaday xulalka Italy iyo Czechoslovakia, ciyaar waqti dheeriya leysla tagay waxa 2—1 koobka kula hoyday marti geliyaashii sanadkaas ee Italy.

1938-kii, Italy ayaa mar kale timid ciyaar dhamaadka, waxaana kula mideysnaa Hungary, Ciyaar Paris- France ka dhacday waxaa 4—2 ku labeystay Italy.

1950-kii, Uruguay ayaa mar kale labeysatay, waana labada mar oo ay taariikhda koobkaan heshay.

1954-kii, Jarmalkii galbeed iyo Hungary ayaa isugu yimid Finalka, Switzerland kulankii ka dhacay waxa mar kale halkaa niyad jab kala tagay Hungry oo lagu garaacay 3—2.

1958-kii, Brazil ayaa aheyd marti geliyaashii sanadkaas oo Sweden ku tuntay gurigooda ciyaar ku soo idlatay 5-2.

1962-kii, Brazil iyo Czechoslovakia ayaa isugu yimid Magaalada Santiago ee Dalka Chile, Brazil ayaa ku labeystay markii ay ku dhamaatay ciyaarta 3—1.

1966-kii, Ingiriiska iyo Jarmalkii galbeed ayaa isugu yimid, waxaana Ingiriisku markaas ku garaacay ciyaar waqti dheeraad ah leysla aaday 4—2, isagoo ka faa’ideysanaya marti gelintiisii sanadkaas, waana marka qura ee taariikhda koobkaan loo hayo.

1970-kii, Brazil iyo Italy ayaa ku kulmay dalka Mexico, 4—1 waxaa looga adkaaday Italy .
1974-kii, Jarmalkii galbeed iyo Holland ayaa isla yimid ciyaar dhamaadka, Marti gelintiisa si wanaagsan ayuu uga faa’ideystay Jarmalka 2—1 ayaa looga badiyay Holland.

1978-kii, Argentina iyo Holland ayaa isla soo tiigsaday Finalka, Argentina oo markaas marti gelineysay ayaa ciyaar bar-baro 1—1 ah leyska dhaafi waayay balse waqti dheeriya lagu daray kaga badisay 3—1 waddanka Holland.

1982-kii, Italay ayaa ku qaraar baxday Jarmalkii galbeed, 3—1 ayayna ku garaacday ciyaar ka dhacday Magaalada Madrid ee Dalka Spain.

1986-kii, Argentina ayaa 3—2 kaga adkaatay Jarmalkii galbeed oo markaas la loodin la’aa, waxana markii labaad marti geliyay Finalkaas Mexico.

1990-ka, Jarmalka galbeed ayaa ka aarsaday Argentiina oo kaga badiyay 1—0 ciyaartii ka dhacday Italy.

1994-kii, Brazil iyo Italy ayaa markoodii labaad isku qabtay ciyaar dhamaadka koobka aduunka, Sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta iyo waqtigii dheeriga ahaa waxay ku kala tageen 1—1, balse 3—2 waxa gool ku laad ku badiyay Brazil.

1998-kii, France iyo Brazil ayaa ciyaar dhamaadka ku wada dheelay Faransiiska, reer Paris waxay muujiyeen in dalkooda la joogo, waxayna ku dhamaatay 3—0 oo uu koobka la hoyday Faransiiska.

2002-dii, Brazil iyo Germany ayaa foodda is daray, Japan ciyaartii ka dhacday 2—0 waxa koobkii ku qaaday xulka Brazil.

2006-dii, France iyo Italy ayaa isla tiigsaday ciyaarta kama danbeysta, Waqti dheeriya kaddib, Talyaaniga ayaa 5—3 gool ku laad ahaa waxa uu koobka keenay Roma, isagoo kala yimid Barlin.

2010-kii, Spain iyo Holland ayaa noqday geesiyaasha sanadkaas, hase ahaatee soddonkii daqiiqo ee dheeraadka intii lagu guda jiray ayay Spain hoggaanka qabatay, 1—0 taas ayayna Spain ku noqotay horyaalka dunida sanadkaas.

2014-kii, Jarmalka iyo Argentina oo kuwada ciyaaray Brazil waxay isla dhaafi waayeen bar-baro, balse waqtigii dheeriga kaddib Jarmalka ayaa ku badiyay 1—0, waxayna sidaas ku yihiin geesiyaasha sideeda fiidnimo ee caawa ka hor inta Croatia iyo France midkood loo caleema saarin horyaalka dunida.

Kulankan kama danbeysta ah ayaa noqonaya kii 21 ee koobka aduunka, waxana uu ka dhacayaa Magaalada Moscow ee xaruunta Dalka ruuska, Sida la qorsheynayana daawadayaasha dunida ka sokow Aqalka looga arimiyo ruushka ee Karamaliinka waxa uu ku dhawaaqay in ay soo xaadiri doonaan 14 hoggaamiye oo ka mid ah kuwa caalamka.

Waxa ugu horreeya Madaxweynaha Armenia, Madaxweynaha Belarus, Re’iisulwasaaraha Hungary, Madaxweynaha Gabon, Amiirka Qadar, Reysulwasaaraha Kyrgyzstan, Madaxweynaha Moldova, Madaxweynaha Palestine iyo kuwa kale.

Sida la qorsheynayo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isna goobta imanaya ayaa ka qeyb qaadan doona billad bixinta xulalka.

Layliyaasha labada dhinac ayaa mid walba muujiyay rajada uu ka qabo inuu isaga la hoydo koobka, balse is wediinta ayaa ah ma France oo ka mid ah 5 xul ee loo saadaalinayay Koobka ka hor bilaabashadiisa ayaa ka dhabeyn doona mise Croatia oo aan weligeed qaadin ayaa bar-bareyn doonta Faranca marka la eego hanashada koobkaan.

W/Q: Ismail Mohamed Samatar
Zeema200@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -