Allbanaadir.com
NEWS

Cigaal Daa’uud oo lagu Dilay Ottawa iyo Meydkiisa oo gaari laga dhax helay

Muwaadin Soomaaliyeed oo kunoolaa dalka Canada ayaa Meydkiisa laga dhax helay gaari uu watay , waxaana baxsaday oo la baadi goobayaa dadkii ka dambeeyay dilka Wiilkaasi Soomaaliyeed.

Cigaal Daa’uud oo 30 jir ah ayaa lagu dilay magaalada Ottawa ee dalka Canada, waxaana meydka wiilkan Booliiska ka dhax heleen gaarigiisa oo meel banaan lagu baakimay.

War kasoo baxay booliiska magaalada Ottawa ayaa lagu sheegay in ciidamada wadaan baaritaano ku aadan dilkan, waxa ayna sheegeen saraakiisha booliiska in aysan wali ogeyn cida dishay wiilkan iyo sababta loo dilay.

Wiilkan Soomaaliyeed ee la dilay ayaa jirkiisa waxaa ka muuqday rasaas lala dhacay, waxa ayna sheegeen booliiska in aysan kala garaneyn in isla goobtaasi lagu dilay iyo in meel kale lagu soo dilay.

Dalka Canada ayaa kamid ah goobaha ugu daran ee lagu dilo dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha u qaxay, waxaana inta badan dilalka dalkaasi ka dhaca mararka qaarkood ku lug yeesha dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Filippo Grandi & wafdi uu horkacayo oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare khayre iyo wafdi uu horkacayo oo saaka dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali

Gudoonka Baarlamanka Galmudug oo Magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare

Caydiid Ali
Taboola Ads ---