Ciyaaryahan 75-sano jir ah oo koox kubada cagta ah si rasmi ah ugu biiray (Sawirro)

Warbaahinta Carabta iyo kuwa caalamka ayaa aad u hadal haya nin 75-sano jir ah oo ku biiray koox kubada cagta ah oo ka dhisan dalka Masar, waxa uuna ninkan noqonayaa ciyaaryahanka ugu weyn dunida ee si rasmi ah u diiwaan gashan.

Xiriirka kubadda cagta ee dalka Masar ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Ciyaaryahan Eez Eldin Bahderoo 75-sano jir ah si rasmi ah ugu biiray kooxda  6th October,oo ka ciyaarta horyaalka heerka sadexaad ee dalka Masar.

Ninkan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay kan ugu weyn caalamka ee u ciyaara koox rasmi ah, waxaana masuuliyiinta kubada cagta Masar ka codsadeen kooxda maamusha Buuga lagu qoro dhacdooyinka Caalamka in ay soo daawadaan ayna buuga ku qoraan.

Warbaahinta Caalamka oo sheekada ninkan aad u hadal heysa ayaa ku warantay in Odaygan ciyaaryahanka ah aan horey magaciisa loo aqoon sidoo kale usoo ciyaarin kooxo waa weyn oo la yaqaan, lamana oga sababta kooxdan hada u qaadatay odaygan.

Ciyaartoyda Caalamka ayaa inta badan kubada cagta uga fariista dada u dhaxeysa 35 ilaa 40-sano, waxaana dad badan isweediinayaan sida Odaygan 75-sano jirka ah hada u awoodi karo in garoon weyn kubad ku ciyaaro.

- Advertisement -