Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay wakiilada Beesha caalamka

Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Shiikh Aadan Madoobe ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilada beesha caalamka u fadhiya Somalia

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii qaab hufan  loogu soo gabagabeyn lahaa hannaanka doorashada, iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay sidii loo xalin lahaa muranka ka taagan xildhibaano labo garab ah oo lagu doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhinaciisa kaga warbixiyey beesha caalamka qorsheyaashiisa ku aadan sidii qaab nabdoon loogu soo gebagebeyn lahaa doorashada, wuxuuna xusay inuu dedaalkiisa iskugu geyn doono sidii uu u qancin lahaa dhinacyada oo dhan.

Related posts

Magacaabista RW cusub, waxa u qorsheysan Farmaajo & Xog ku aadan Doorashada 2021

admin

Madaxweyne Waare oo soo saaray wareegto xilka looga qaaday taliyeyaal ciidan (Akhriso)

Caydiid Ali

Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---