Dowlada oo Sharciga la tiigsaneysa 20-Shirkadood oo lagu eedeeyay in aysan bixin ..

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan shirkado badan oon bixin lacagta canshuurta ee laga doonayay.

Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya in ay jiraan 20-shirkadood oo dalka kuyaala oon bixin lacagta canshuurta ee laga rabay, waxa uuna ugu hanjabay shirkadahaasi in sharciga lala tiigsan doono hadii aysan bixin canshuurta.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hada qarinayaan magacyada shirkadaha iyo ganacsatada aan bixin lacagaha canshuuraha balse marka dambe magacyadooda shaacin doonaan hadii aysan bixin canshuurta laga rabo.

”Waxaan u digayaa labaatameeyo shirkado ah oon bixin canshuurtii laga rabay, waa digniin iska bixiya canshuurta ama magacyadiina ayaan shaacin doonaa ” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan ay filayeen in ay soo xarooto lacag gaareysa 20-Milyan dollar oo canshuur ah balse aysan soo xaroon lacagtaasi lana qabtay lacag gaareysa 14-Milyan oo Dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -