Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wasiirkii Labaad oo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo is casilay

Wasiirkii labaad oo katirsan Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu shalay soo magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi ayaa shaaca ka qaaday in xilka loo magacaabay uu iska casilay.

Wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta Cali Aadan Macalin ayaa ku dhawaaqay xilkaasi Wasiirnimo ee shalay loo magacaabay in uu iska casilay, waxa uuna xusay Wasiirka in aan lagala tashan magacaabista booskan.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in beesha uu kasoo jeedo aysan ku qanacsaneyn in ay Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka hesho Wasaarada Deegaanka iyo Duur-joogta.

Wasiirkan ayaa noqonaya kii labaad oo iska casila Wasiiradii uu shalay soo  magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa xalay sidan oo kale isku casilay Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu danbeeyay Galmudug iyo hubkii iyo ciidankii la geeyay dhuusamareeb oo xaalad cakiran galiyay ….

admin

Ra’isul Wasaare Rooble oo guddoomay casuumad rasmi ah uu ka helay Uhuru Kenyatta (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne xilka hayey 32 sano oo mar kale doonaya inuu tartamo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---