Doorashada 3-Kursi oo mid kamid ah Xiiso leeyahay oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada Sadex kursi oo katirsan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee maanta ka dhaceysa magaalada Jowhar ayaa kan ugu adag uguna xiisaha badan waxa uu dhax mari doonaa Labada Musharax ee kala ah Senator Dr Cismaan Maxamuud Dufle iyo Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Labadan musharax ee kursigan ku loolamaya ayaa saacadihii lasoo dhaafay wadaday olole xoogan ay ku kasbanayaan Xildhibaanada Hirshabelle, waxaana mid waliba Xildhibaanada u balan qaaday lacago laaluush ah.

Sadexda Kursi ee lagu tartamayo maanta ayaa kala ah

Kursiga 1-aad

1: Dr Cismaan Maxamuud Dufle
2: Ambass; Maxamuud Axmed Nuur tarsan
3: Raage Xasan Xuute

Kursiga 2-aad

1: Xasan Iidow Muxumed
2: Cabdinuur Ibraahim nuur
3 : Cismaan Axmed Macow

Kursiga 3-aad

1:  Cali Shacbaan Ibraahim
2:  Cabdalle Xuseen Cabdi
3:  Caasho Xuseen Abuukar
4: Cabdulahi tawaad
5: Cabdiqaadir Xanafi

Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle ayaa ka xiiso badan doorashooyinkii kale ee ka dhacay dowlad Goboleedyada, waxaana doorashadan tahay mid furan ay ka qeyb galayaan musharaxiin aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -