Allbanaadir.com
NEWS

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo saaka ka dhacay gobolka Sh/dhexe

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe saaka aroortii ayaa duleedka degmadaas waxay Miino kula kacday gaari nooca xamuulka ah.

Gaariga oo noociisu ahaa DYNA ayay Miinadu la kacday xili uu marayay halka loo yaqaano Haansheekh oo u dhow tuulada Gololey ee degmada Balcad.

Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Balcad ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay darawalkii gaariga oo magaciisa lagu sheegay Bishaar halka uu ku dhaawacmay Kirishboygii la socday oo loo soo qaaday degmada Balcad.

Wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee goolka Sh/dhexe ayaa waxaa mudooyinkan ku batay qaraxyada miinooyinka oo intooda badan lala eegto ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ee wadadaas isticmaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif oo Digniin culus kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan

Cabdi Cade

Waa Maxay faa’iidada ugu jirta dowlada Somalia qorshaha ay maanta ansixisay EU? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo kasoo horjeestay Axmed Madoobe lana saftay Mucaaradka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---