Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Raisul Wasaaraha Itoobiya (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Adis ababa.

Kulanka labada Hoggaamiye ayaa waxay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, amaanka, wada shaqeynta iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaale.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Xaiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in qodobada ay ka wada hadleen ay ka mid tahay sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay labada hoggaamiye ku galeen Muqdisho iyo Baxardaar.

Sidoo kale labada Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca nabadda ee Gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Ra’isal wasaaraha Itoobiya uga mahad celiyay taageerada dhinaca amaanka ah ee dowladda Itoobiya siiso Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney la doonayay in lagu dhax iibiyo barta Facebook oo la bad baadiyay

Cabdi Cade

Ciidamadii laga keenay dalka Eritrea oo Dagaal diyaar u ah iyo Dowladda oo qorshe cusub wada

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday Tiyaatarka (Sawirr)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---