Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

80 jir kursi lagu wado oo markii 5aad u tartamaya xil Madaxweyne (Daawo Sawirro)

Xisbiga Xoreynta Dalka ee dalka Aljeeriya aya ku dhawaaqay in Madaxweynaha dalkaasi C/casiis Butafliqa uu markii shanaad u tartami doono doorashada Madaxweynaha dalka Aljeria ee dhici doonta bisha April.

Xisbiga talada haya ee dalka Aljeeriya ayaa arrintan u dhawaaqay xaflad ka dhacday xarunta xisbiga ee magaalada Aljeris, iyadoo shaki weyn laga qabay in mar kale uu doorasho isu soo taago madaxweynaha 81 sano jirka ah ee xaaladiisa caafimaad ay liidato.

C/casiis Butafliiqa ayaa Aljeeriya kasoo talinayey ilaa sanadkii 1999-kii, wuxuuna dalkaasi ka saaray xaalad amni darro kadib kacdoonkii islaamiyiinta, laakiin waxaa la doortay 4 jeer, iyadoo sanadkii 2013 uu ku dhacay dhiig furan keenay inuu socon waayo, isagoo lagu wado Kursiga dadka naafada ah.

Wixii ka dambeeyay 2013 madaxweynaha mar shanaad is sharxay laguma arkin goobaha fagaarayaasha ah, wuxuuna soo muuqdaa marar dhif ah, isagoo xaaladiisu tahay mid liidata, hadalkuna aanu karin, waxaana laga rabaa inu musharaxnimadiisa isagu ku dhawaaqo sida uu qoray sharciga dalkaasi, laakiin waxaa la filayaa inuu qoraalkiisa akhriyo afhayeen uu wakilanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha Al Shabaab kasoo goosanaya iskuna soo dhiibaya ciidanka Dowladda oo kordhay

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulan arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Go’aanno cusub oo kasoo baxay wasaaradda Xajka ee Sacuudiga oo laga shiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---