Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga Israa’iil oo weeraro aar gudasho ah ka fuliyey gudaha wadanka Siiriya

Israa’iil ayaa qaaday weeraro ballaaran oo ay ku beegsanayaan xarumo milateri oo ku yaalla gudaha dalka Suuriya

Goobaha la duqeeyey waxaa ka mid ah hanaankii difaaaca cirka ee Suuriya iyo waliba bartilmaameed ay Iiran ku leedahay gudaha wadankaasi. Qaraxyo ayaa laga maqlay meel aan sidaasi uga fogeyn caasimadda Dimishiq.

Weeraradan ay qaaday Israa’iil ayaa imanaaya saacado kadib markii diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil ay ku burburtay gudaha wadanka Suuriya, xilli la ganay gantaal nooca lidka diyaaradaha oo ay leedahay Suuriya.

Milateriga Israa’iil ayaa mar sii horeysay sheegay in diyaarada la riday ay fulisay weerar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay Suuriya.

Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa la sheegay in iyagoo badqaba ay baarashuut kaga boodeen diyaaradda, kaddib markii diyaarada ay ku burburtay waqooyiga Israa’iil, waxaana markii dambe isbitaal la dhigay duuliyeyaashi saarnaa diyaarada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka horumarinta iyo isku xirka Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo War ka soo saartay shil dayuuradeed oo saaka ka dhacay degmada Ceel barde

Caydiid Ali

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka jawaabay dacwad laga gudbiyey Xulka gobolka Banaadir (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---