Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo War ka soo saartay shil dayuuradeed oo saaka ka dhacay degmada Ceel barde

Hay’adda Duuliska Rayidka Soomaaliyeed ayaa War saxaafadeed ka soo saartay dayuurad ka baxday dhabaha diyaaradaha ee Garoonka Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday halka mid kalena uu ku dhaawacmay kadib shil diyaaradeed oo maanta abaara 11:30 ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Maareeyaha garoonka Ceelbarde C/fitaax Keydsane.

Diyaaradda oo ka duushay Muqdisho, ayaa siday gargaar Bani’aadanimo, waxaana saarnaa afar ruux oo shaqaalaha UN- ka gaar ahaan qeybta WFP.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Marka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Putin oo soo bandhigay shuruudo adag oo uu ku joojinayo dagaalka uu ka wado Ukraine

Caydiid Ali

Soomaalida ku nool Magaalada Nazareth oo ay soo wajahday qatar iyaga u gooni ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---